DHAGEYSO: Xildhibaan Odawaa “Khudbadii Madaxweynaha Maanta Beer laxowsi Ayaan Ufahmay”

Xildhibaan C/raxmaan Xuseen Odawaa oo warbaahinta la hadlay kadib markii uu khudbada jeediyey Madaxweyne Farmaajo ayaa soo bandhigay arimo dadka aysan badankood ogeyn.

Xildhibaan Odawaa ayaa ku eedeeyey Madaxweyne Farmaajo mudada Seddexda Sano ee Dalka uu xukumayey inuu ku fashilmay qodobo muhiim ah uu markii hore Ballan qaaday.

Odawaa ayaa sheegay inay hayaan Macluumaad ku saabsan in ciidan Soomaaliyeed Si qarsoodi ah loogu soo tababaray Dalka Ereteria islamarkaana Xilli Habeen ah Diyaarado kasoo dejiyey Garoonka Muqdisho.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Madaxweynaha markii hore uusan tixgelin iyo Ixtiraam uheynin Golaha Shacabka balse hadalkiisa uu dhul seexasho umuuqday uuna rabo mid uu muddo kororsi usameynteeda kala shaqeeyaan.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Abdullahi Mohamed Osman I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply