DHAGEYSO: Yaa Ka Dambeeyey Dilka Wariye Siciid Yuusuf Cali?

Allaha Unaxariistee Waxaa caawa la dilay Wariye Siciid Yuusuf Cali oo ka mid ahaa Wariyeyaasha ka howlgalayey Mid ka mid ah Warbaahinta Muqdisho.

Siciid Yuusuf ayaa waayihii dambe ka shaqeenayey Warbaahinta Kalsan Tv Xarunteeda Muqdisho ku taalla.

Siciid wararka qaar ayaa sheegaya in dilkiisa Tooreey ama Mindi loo adeegsaday waxaana uu dilka ka dhacay Xaafada Seybiyaano.

Waxa uu Marxuumka kasoo shaqeeyey Idaacadaha Risaala,Haatuf,Kulmiye,Star Fm,Dalsan Tv isagoo bilo ka hor ahaa Sarifle ka shaqeeya Muqdisho.

Cabaas Yuusuf Cali Oo la dashay Marxuumka ayaa Caawa uga waramay Idaacada Kaah sida uu dilka udhacay.

Ehalada Marxuumka waxay sheegeen in meydka ay la wareegeen ciidamada Amniga,waxaana gacanta lagu soo dhigay Gacan ku dhiiglaha dilkaasi geystay.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO WAREYSI

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply