Dhul gariir ku dhuftay Maanta Koonfurta Dalka New Zealand

Warbaahinta Dalka New Zealand ayaa waxay sheegeen in maanta oo khamiis ah Dhul gariir uu ku dhuftay Koonfurta Dalkaasi.

Waxa Dhul gariirkaasi lagu qiyaasay 5.9 Qalabka Rekter Iskeylka,iyadoo dadku ay dhulka oo ruxmay dareemeen daqiiqado kooban.

Kooxaha Gurmadka ayaana weli waxay baadi goobayaan dad loo maleenayo inay ku waxyeeloobeen dhismayaal dumay inkastoo khasaaro weli lasoo sheegin.

Ma jirto Khasaaro nafeed oo Dawlada New Zealand sheegtay ilaa hadda,balse waxaa socda Xog raadin dheeraad ah.

Jasiirada Dalxiiska ku wacan ee Milfoodh Soondhi ayaana dhul gariirka uu ku dhuftay.

Waxaa Soo Tarjumay: Xasan Xayi Cabdullaahi

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply