Dhul gariir Ku Dhuftay Maanta Qeybo Ka mid ah Dalka Filibiin

Dhul gariir xoog leh ayaa laga dareemay Maanta oo sabti aheyd Dalka Filibiin,sida ay sheegeen Warbaahinta Dalkaasi.

Koonfurta Dalkaasi ayaana la tilmaamay in dhul gariirka uu ku dhuftay,waxaana machadka Cilmi baarista Dhulka Dalkaasi uu sheegay in laga sii digay Dhul gariirkaasi.

Abaare 10:11 Daqiiqo Barqanimadii Maanta ayaa Xilliga Saacada Dalkaasi uu ahaa mid dhul gariirka ku dhuftay,waxaana 10 Kiilo mitir qeybo ku fadhiya uu saameeyey.

Magaalada Generoso ayaana uu ku xooganaa dhul gariirkaasi.

Madaxweynaha Dalkaasi Rodriigo Dutedre ayaa sheegay inay amreen samata bixinta Dhul gariirkaasi dadka uu saameynta ku yeeshay.

Ilaa hadda lama sheegin khasaaraha ka dhashay Dhul gariirkaasi.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Abdullahi Mohamed Osman I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply