Dhul gariir Ku dhuftay Maanta Qeybo Ka mid Ah Dalka Hindiya

Dadka Deegaanka ah Ee Kusugan Gobolka Durgabuur Ee Bariga Hindiya waxay sheegeen inay dareemeen dhul gariir maanta oo Arbaco aheyd.

Waxa lagu qiyaasay Dhul gariirkaasi 4.1 Qalabka Rekter Iskeylka loo yaqaano.

Weli si shaacsan looma ogo khasaaraha nafeed iyo mida Hantiyeed uu geystay dhul gariirkaasi.

Wararka laga helayo Hay’adaha Qaranka Ee dhinaca Dhulka iyo Juqraafiga ayaa sheegaya in saacadihii hore Ee Saaka uu dhul gariirkaasi garaacay bad ku fadhiya 110 Kiilo mitir Ee Wuqooti Bari Gobolka Durgaabuur.

Warbaahinta Dalka Hindiya waxays heegeen in la arkayey Hoos madoow meelo ka mid ah Caasimada Dalkaasi Ee New Delhi,iyadoo dhul gariir laga dareemay.

Waxaa Soo Tarjumay: Xasan Xayi Cabdullaahi

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply