Dilka Gabar Booliska Koonfur Afrika Katirsaneyd Oo Loo Xiray 9 Qof

Sagaal Qof oo la tuhmay inay ka qeyb ahaayeen Dilka Gabar Katirsaneyd Booliska Koonfur Africa ayaa lagu xiray Gobolka Kawasuuluu Nataal.

Gabadhaasi ayaa la dilay Habeenkii Talaadada aheyd Isbuucii lasoo dhaafay sida Booliska Koonfur Africa ay sheegeen.

Taliska Ciidamada Booliska Gobolka Kawasuuluu Nataal ayaa maanta oo Axad aheyd sheegeen in Konistable Sikhakhaane oo 35 Jir aheyd lagu dilay Deegaanka Tandakeele.

Baaritaan ayaa lagu hayaa 9 Qof oo la sheegay in ay dilkaasi Ciidamada Amniga ku tuhmeen kuwaasi oo lasoo xiray saldhigna la geeyey.

Gaari ay laheyd ayey wadatay xilliga toogashada lagu fulinayey,iyadoo lasoo sheegayo in Labo gabdhood kale Gaariga ay la socdeen.

Gabadha la dilay Ee Askariga aheyd ayaa waxa laga qaatay Bistoolad ay wadatay,Gabdhihii gaariga la socdayna waa la dhacay sida ay Booliska sheegeen.

Waxaa Soo Tarjumay: Xasan Xayi Cabdullaahi

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply