Diyaarad Bakistaan Laheyd Oo Maanta Bur burtay+Khasaaraha

Sida ay sheegeen Warbaahinta Dalka Bakistaan waxaa ku bur burtay Magaalada Islamabad Ee Caasimada Dalkaas ah Maanta oo Arbaco ah Diyaarad ciidanka Waddankaas lahaayeen oo Nuuceedu yahay F-16 iyadoo la xaqiijyey in duuliyihii diyaarada uu ku dhintay.

Waxay ka qeyb aheyd Bandhiga Maalinta ugaarka ah Ciidanka Cirka Ee Diyaaradaha soo bandhigaan Dhoolatusyada Dalkaasi,balse mar keliya ayey dhacday,Duuliyaha Dhintay ayaa lagu magacaabi jiray Nuumaan Akram .

Waxa Diyaaradaan la sheegay inay Bakistaan kasoo iibsatay Dawlada mareykanka,muuqaalo la arkayey waxaa ay muujinayeen qiiq iyo Dab qabsaday Diyaarada.

“Garabka Diyaarada ayey Dhulka ku dhufsatay sida la arkayey dab ayaa ka kacay,waa la dedaalaya,balse qadarta ayaa intaas aheyd,sidaas waxaa sheegay Sargaal u hadlay Ciidanka Cirka Bakistaan oo Qadka Taleefoonka kula hadlay Wakaalada Wararka Reuters”.

Lama soo tebin khasaaro kale oo ka dhashay in Duuliyaha Diyaarada keliya inuu ku dhintay marka laga soo tego iyadoo Ra’iisal Wasaare Imraan Khan uu ka tacsiyadeeyey Dhimashada Duuliyahaasi.

Waxaa Soo Tarjumay: Xasan Xayi Cabdullaahi

Xigasho: https://uk.reuters.com/

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply