Diyaarad Israa’iil laheyd Oo Lagu soo riday Dalka Lubnaan

Meliteriga Israa’iil waxay sheegeen in Sabtidii Shalay Diyaarad Nuuca is wada ah ay lahaayeen lasoo riday xilli ay dul heehaabeysay Meel ka mid ah Dalka Lubnaan.

Maleeshiyada Xisbullaah ayaa waxay ku faaneen inay dhulka soo dhigeen Hal Diyaarad oo Drone ah islamarkaana lahaayeen,Israa’iil.

Diyaarada ayaa lagu soo riday Magaalada Xuduuda ku taalla Caytaa Al Shacab,halkaas oo Kooxda Xisbullaah oo Taageero ka heysta Iiraan ay ku xoogan yihiin.

Ma ahaan Xog Halis ah in Warbixintaan la baahiyo,ayaa lagu yiri Qoraal Meliteriga Israa’iil.

Intaas inkabadan faah faahino lagama hayo sida diyaarada loo soo rido.

Waxaa Soo Tarjumay: Xasan Xayi Cabdullaahi

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Abdullahi Mohamed Osman I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply