Diyaarad Rakaab Siday Oo Goordhaweyd Ku Bur burtay Dalka Koonfurta Sudan

Dad badan ayaa laga cabsi qabaa inay ku dhinteen Diyaarad Xamuul oo ku dhacday Dalka Koonfurta Sudan Maanta oo sabti aheyd.

Dhicitaanka diyaarada ayaa lasoo sheegayaa inay timid markii wax yar ka hor ay ka duushay Garoonka Caalamiga ah ee Magaalada Jubba Caasimada Dalkaasi.

Maamulka Madaarkaasi weli faah faahino badan kama aysan bixin sida ay wax udhaceen.

Kur Kuol Ajieu, oo ah Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha Caalamiga Jubba ayaa usheegay Wakaalada Wararka Anadolu in Diyaaradaasi ay la socdeen 8 Qof oo Shaqaalaha Diyaaradaasi ahaa.

Waxaana la sheegay in ay suurta gal tahay khasaaro badan uu ka dhasho,inkastoo weli warbixino badan la heynin,diyaaradaha ay bur burtay.

Goob joogayaal ayaa usheegay Anadolu in Qof dhaawac ah ay arkeen islamarkaana lix qof Cusbitaal loola cararay.

Waxaa Soo Tarjumay: Xasan Xayi Cabdullaahi

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply