Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya Oo Dib Loo dhigay Ilaa Agoosto 2021

Gudoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan Ee Doorashooyinka Qaranka Soomaaliya Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yareey) oo ka hor hadleysay Maanta Golaha Shacabka ayey soo bandhigtay Arimo Badan.

Waxay Sheegtay in ugu horeyn ku dedaaleen Shantii sano ee lasoo dhaafay sidii Guddigu unoqon lahaa mid laga dhiso Habraaca,Xafiisyo ay ka furteen Deegaanada Gobollada Dalka,Tiro Koobka ay sameeyeen iyo Xog uruurin Bulshada ay dhex galeen.

Xaliimo Yareey waxay sheegtay in Doorashada soo socota 2021-ka ay dedaal badan ku bixiyeen diyaar garoow ballaaran,dib udhaca ku yimaaday sharcigii doorashooyinka oo la filayey 2018-kii.

Guddiga Madaxa Banaan Soomaaliya ayaa waxay sheegeen in Doorashada ay uwada tartami doonaan Rag iyo Dumar,ayna Daraasad ku sameeyeen Doorashada soo socota oo ilaa shan qeyb ka koobneyd.

Saameynta Caabuqa Covid 19 ayey soo hadal qaaday Xaliimo Ismaaciil iyadoo tibaaxday in doorashada dib udhacday tan Madaxweynaha lagu soo dooranayo,taas oo ka dhigan in Lix Bilood dib loo dhigay.

Waxaa Doorashada Baarlamaanka ay bilaabaneysaa Bisha Luuliyo Ee Sanadkaan iyadoo Qaabka Baayo Mitriga ay doorashada ka fekirayaan Guddiga Doorashooyinka inay ku qabtaan.

Doorashada Soomaaliya ayaa la filayey ugu dambeyn in Madaxweynaha lasoo doorto Febraayo 2021,mana la oga sida ay Siyaasiyiinta Xisbiyada Mucaaradka Hogaamiya Fal celintooda.

Naga filo faah faahin dheeraad ah insha allaah

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Abdullahi Mohamed Osman I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply