Dowlada Soomaliya Oo Hortagatay Hub Iyo Rasaas Culus Sharci Daro ah.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta shaacisay inay ka hortegtay hub iyo rasaas la doonayey in sharci darro dalka lagu soo geliyo, waxaana arrintaasi faah-faahiyey wasiirka warfaafinta, Cismaan Abuukar Dubbe.


Wasiirka oo warbaahinta la hadlayey ayaa waxaa uu sheegay in hubka uu yahay mid aad u culus, islamarkaana la doonayey in mar labaad lagu bur-buriyo dalka.


Dubbe ayaa tilmaamay in hubka oo ah mid fara badan la rabay in xuduudaha laga soo khal-khal geliyo, wuxuuna uu hoosta ka xariiqay in aysan ogolaan doonin in dalka la burburiyo.


Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo ay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya shaacisay in hubka ay ka hortegtay ay isku baheysteen inay dalka soo galiyaan hay’ado ajnabi ah, dalal shisheeye iyo dad Soomaali ah, balse ay fashiliyeen laamaha amaanka.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply