DS Oo Manta Shaacinaysa Natiijada Imtixaanka Dugsiga Sare.

Wasaaradda waxbarashada, hidaha iyo tacliinta sare ee dalka ayaa maanta shaacinaysa natiijiyada imtixaanka dawliga ah ee dugsiyada sare oo sanadkan ay ka qaybgaleen arday ka badan 34-kun oo arday oo kala jooga Jubbaland, koofur-galbeed, Hirsahbeelle, Galmudug iyo gobolka Banaadir.

Munaasabadda shaacinta natiijada imtixaanka oo ay ka qaybgalayaan madaxda wasaaradda waxbarashada dalka iyo mas’uuliyiin kale ayaa dhawaan ka furmaysa xarunta Akademiyadda cilmiga fanka iyo suugaanta ee magaalada Muqdisho Sida Ay Baahisay Wakaalada Wararka Ee SONNA.

Dowlada Somalia Ayaa Ku Guulaysatay In Sanadkii Lixaad Oo Xiriir Ah Ay Qaado Imtixaanadka Dugsiyada Sare Ee Dalka Oo Ay Ka Qayb Galeen Afar Maamul Goboleed Iyo Mamulka Gobolka Banadir Balse Ay Iska Diideen Maamulka Puntland.

Imtixaanka dawliga ah ee dugsiyada sare oo la qaban jiray bisha May sanad kasta ayaa sanadkan dib ugu dhacay xayiraadaha ka dhashay COVID-19, dartiis.

Madaxwaynaha JFS Maxamed Cabdullahi Farmaajo Ayaa Dhanka Kale Todobadkii Ina Dhaafay Daahfuray Manhajka Midaysan Ee Dalka.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Abdullahi Mohamed Osman I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *