Faah faahin: Diyaarado Gantaalo La Dhacay Xarunta Shirkada Hormuud Ee Ceel Waaq

Deegaan lagu magacaabo Xiisa Guur ayaa lasoo sheegayaa oo hoostaga degmada Ceel waaq Ee Gobolka Gedo in Duqeyn diyaaradeed ay Xalay ka dhacday.

Duqeyntani ayaa lagu bur buriyey Xarun Shirkada Isgaarsiinta Hormuud ku laheyd halkaasi,lamana oga sababta loo beegsaday.

Maamulka Guud Ee Shirkada Hormuud kama aysan hadlin Duqeyntani iyo Xaruntooda waxa soo cel celiyey in lagu beegsado.

Sargaal katirsan Ciidamada Dawlada Ee kusugan Ceel Waaq ayaa ku Eedeeyey Ciidamada Kenya inay Duqeyntani ka dambeeyaan.

Ilaa 9 Gantaal ayey Diyaaradahaasi ku dhufteen Xarunta Shirkada Hormuud Ee Ceel waaq gaar ahaan Deegaanka lagu magacaabo Xiisa guur iyadoo bur bur xoog leh uu soo gaaray.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Abdullahi Mohamed Osman I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply