FAAH FAAHIN: Qaraxa Saaka Ka Dhacay Muqdisho

Xaafada Jamhuuriya Ee Degmada Kaaraan waxaa ka dhacay Abaare 9:11 Am Qarax jugtiisa meelo kala duwan laga maqlay,iyadoo Qaraxaas lala eegtay Ciidamo katirsan Kuwa Dawlada Soomaaliya.

Goob joogayaal meesha ka dhawaa ayaa Usheegay Idaacada Kaah in Qaraxa kadib la maqlay Rasaas kooban balse Ciidamada ayaa socodkooda iska sii watay.

Inta la og yahay Shan Qof ayey dhaawac kasoo gaartay Qaraxaas,waxaana jiray bur bur ku habsaday Guryo meesha ka dhawaa iyo Bajaaj meesha marayey.

Inta udhaxeysa Isgoyska Fagax iyo Masjidka Turkiga agagaaarka Mowlaca Sheekh Cali Cabdulle ayaana qaraxa uu ka dhacay iyadoo markii dambe xaaladu ay caadi kusoo laabatay.

Ma jirto cid sheegatay Weerarkaas qarax ee ka dhacay Degmada Kaaraan Xaafada Jamhuuriya.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply