Faah Faahina Dheeraad Ah Oo Kasoo Baxaya Weerarkii Galabta Lagu Qaaday Hotell Afrik Ee Muqdisho.

Abaaro 5:00 Galabnimo Oo Ay Daqiiqado Raaceen Waxaa Weerar Xoogan Oo Ku Bilowday Qarax Ismiidaamin Ah Lagu Qaaday Hotel Afrik Oo Kamid Ah Hotelada Ugu Waawayn Caasimada, Sidoo Kale Ugu Ilaalada Adag Kaas Oo Ku Yaala Aaga Isgoysoa KM4, Jidka Aada Garoonka Wayn Aadan Cade Ee Muqdisho.

Qaraxa Kadib Waxaa Xigay Dagaalyahano Ka Tirsan Alshabaab Oo Isku Dayay In Ay Gudaha Ugalaan Dhismaha Hotel Afrik, Hayeeshe Ilaalada Hotelka Oo Garab Ka Helayay Masuuliyiin Iyo Saraakiil La Ilaalinayay Oo Hotelka Ku Sugnaa Ayaa Suurtay Galiyay In Weerarku Sidi Loo Rabay Uu Ka Halis Yaraado.

Xogaha La Helay Waxa Ay Shegayaan In Xubnaha Alshabaab Ay Gudaha Galeen Balse Aysan Isku Fidin Kadib Weerar Culus Oo Ku Qabsaday Afaafka Hore Ee Hotelka.

Inta Badan Dadki Hotelka Ku Sugna Oo Isugu Jiray Shacab Iyo Masuuliyiin Ayaa Laso Bad Baadiyay, Dadka Caanka Ah Ee Laso Bad Baadiyana Waxa Qayb Ka Ahaa General Indhocade, General Galaal, Iyo Dad Kale Oo Badan Oo Ay Qayb Ka Ahaayeen Shaqaale Dawladood Iyo Milkiilihii Hotelka Afrik.

Waqtigii Hotelka La Werarayay Waxa Ka Socday Shir Udhaxeeyay Ehelka Gudoomiyihii Dhawaan La Dilay Ee Degmada Hodan Candixakin Dhagajun, Iyadoo Saacado Kahorna Laguso Gabagabeeyay Shir Ay Lahaayeen Xubnaha Nabadoonada Iyo Dhaqanka Beelaha Hawiye.

Majirto Qasaaro Rasmi Ah Oo La Ogyahay Balse Waxa La Xaqiijiyay Qasaaro Isugu Jira Dhimasho Iyo Dhaawac In Uu Ka Dhashay Weerarka, Booliskuna Waxay Xaqiijiyeen In Hawlgalku Wili Socdo Balse Samatabixintu Ay Socoto.

Inta La Xaqiijiyay Saddex Qof Ayaa Weerarkan Ku Geeeiyooday Halka Tiro Toban Kalana Ay Ku Dhaawacmeen, Waxaana Aad Ubadan Inta Lasoo Bad Baadiyay Weerarkan.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Abdullahi Mohamed Osman I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply