Fanaan Katirsanaa Hobollada Waaberi Oo Ku Dhintay Cusbitaal Martiini

Allaha Unaxariistee Waxaa ku dhintay Habeenimadii Xalay Hobolkii C/llaahi Faarax Caseyr oo Fanka Soomaalida kuwii kusoo caan baxay ku jiray.

Marxuumka Eheladiisa waxay sheegeen inuu ku xanuunsanayey Muddooyikii Dambe Muqdisho iyadoo Mowt-ka uu soo xaadiray saacado ka hor.

Cusbitaalka Martiini ayaana la sheegay inuu ku dhintay Marxuumka.

Dadka bar yaqaanay waxay ku sheegeey C/llaahi Faarax nin Afgaabni iyo Alle ka cabsi badnaa,iyadoo dadka afkiisa iyo Adinkiisa ka nabad geli jireen.

Lama sheegin waxa uu sababsaday Marxuumka ama Xanuunka hayey,hayeeshee Cusbitaalka Martiini waayihii dambe dadka la il daran Cudurka Corono ayaa la seexinayey.

Waayeel ayuu ahaa,balse Qoyskiisa iyo Eheladiisa waxay sheegeen inuu ahaa mid socon jiray ka hor inta Xanuunka sariir saarin maalmo ka hor.

Maareeyihii hore Ee Tiyaatarka Qaranka Maxamed Abuukar Ma’da oo muddo kooban wada shaqeeyeen Marxuumka ayaa Tacsi ka diray Geeridiisa,Allena uga rajeeyey in Janatul Fardowso ku Arsaaqo.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Abdullahi Mohamed Osman I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply