Fanaanka Nimcaan Hilaac Oo 9 Bil Kadib Iska Casilay Xilkii Uu Hayey

9 Bil Kadib Ayey Noqoneysaa Xilkii uu ku magacaabnaa Fanaanka Nimcaan Xasan Hilaac Uu iska Casilay kaas oo ahaa Agaasimaha Wax soo saarka iyo Wacyi gelinta Hobollada Qaranka Waaberi.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa usheegay Radio Kaah in Nimcaan Hilaac oo kusugan Mareykanka Qadka Taleefoonka kula soo hadlay Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) una sheegay inuu is casilay.

Lama sheegin weli Sababta uu isku casilay Nimcaan Hilaac Balse waxaa la sheegay in arimo isaga u gaar ah uu garawsaday inuu Agaasimaha uu ahaa iskaga tegay.

Fanaankaan ayaa Xilka waxa loo magacaabay 11 Bishii Lixaad Ee June Sanadkii hore 2019-kii.

Muddooyinkii dambe waxa uu udiga rogtay Suugaanta Waddaniga,iyadoo markii hore Kaalinta Heesaha Jaceylka kusoo caan baxay.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Abdullahi Mohamed Osman I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply