Gaari Isku Miidaamiyey Suuq Mashquul Badan Dalka Afgaanistaan

Labo Ilaaliyeyaal ahaa oo sargaal Boolis ku jiro ayaa waxaa la sheegay inay ku dhinteen Gaari Ismiidaamin ah oo ka dhacay Suuq ku yaalla Dalka Afgaanistaan.

Qaraxaan gaari ayaa la sheegay inuu ka dhacay Degmada Kuskunaar,halkaasi oo ahaa suuq mashquul badan ka jiray.

Sargaal katirsan Booliska oo lagu magacaabo Miir Samaan ayaa sheegay in Qaraxaas ka dhacay Gobolka Nangahaar uu sababay dhimashada Labo Askari oo ilaalo ahaa,iyadoo Baabuur ismiidaamiyey Qaraxa uu ka dhashay.

Maanta oo Talaado ah ayuu ka dhacay Qaraxa Deegaankaasi,iyadoo Majalada wararka Tolo ay soo xigatay Aatullaah Khogyaani oo ah Afhayeen u hadlay Gudoomiyaha Gobolka Wax ka dhaceen uu sheegay in Xaalada ay markii dambe Caadi kusoo laabatay.

Labada Askari ee dhintay Kasokoow waxaa jira Toban Qof oo ku dhaawacmay Weerarkaasi sida ay Dawlada Afgaanistaan shaacisey.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply