Galmudug Oo Ka Hadashay Madaafiicdii Lagu Garaacay Dhuusamareeb.

Maamulka Galmudug Ayaa Ka Hadlay Weerar Madaafiic Ah Oo Xubno Ka Tirsan Alshabaab habeenki Xalay Ku Qaadeen Magaaladasi, Iyo Hawlgal Ka Dhan Ah Ragii So Tuuray Madaafiicdaasi oo Ciidamada Xoogu Ay Si Gaar Ah Kaga Fuliyeen Duleedka Magaalada Dhuusamareeb.

Afhayeenka Maamulka Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Dawlad Goboleedka Galmudug Bashiir Maxamed Salaad “Sanka” Ayaa Sheegay In Ay  Ciidamadu Ay Qaadeen hawlgalo Dag Dag Ah Oo Ka Dhan Ah Madaafiicda Islamarkaana Ay Usuurta Gashay In Hawlgalka Ay Ku Dilaan Ragii Madaafiicda Soo Tuuray Qaarkoodna Nolosha ku Qabtaan Waa Sida Uu Hadalka Udhigay.

“ Ciidamada Qalabka sida ayaa si heer sare ah kaga jawaabay dhowr hoobiye oo xalay kooxda  Alshabaab kusoo tuurtay Dhuusamareeb.Waxaana ciidanka suurto gashay inay qaar laayaan ,qaarna iyaga oo dhaawaca qabtaan miliishiyaadkii sootuuray madaaficda,sidoo kale waxay gacanta kudhigeen Hoobiyihii ay magaalada kusoo garaaceen iyo qoryahoodii” ayuu yiri Afhayeenka.

Dhanka Kale Taliyaha Guutada 15-aad Qaybta 21-aad ee Ciidamada Xooga Dalka Jeneraal Mascuud Maxamed Warsame Ayaa Tilmaamay In Ciidanku Ay Guulo Kasoo Hooyeen Hawlgalkii Looga Hortagay Weerarki Shacabka Lagu Dhibaataynayay Waa Sida Uu Yiriye.

“Waxaan aad ugu mahadcelinayaa Saraakiisha, Saraakiil Xigeenada, Alifleyda, Dableyda ee ciidanka xogga somalia ee qaybta 21aad gaar ahaan guutada15aad ee jabka iyo halaaga ugaysatay khawaarijtii xalay isku dayday in ay dhibaateeyaan shacabka caasimada Dhuussamareeb.

Waxay kugulaysteen ciidanku in ay kadhigaan mid ay dileen iyo mid ay nolasha kuqabtaan waxay kaqaniimaysteen dhamaan hubkii ay wateen khawaarijtu. ” Ayuu Yiri Jeneraal Mascuud.

Sikastaba Ha’ahaatee Alshabaab Ayaa Ku Dhawaad 10-Madfac Waxay Habeenki Xalay Ku Garaaceen Magaalada Dhuusamareeb Xilli Magaaladasi Ay ku Suganyihiin Madaxda Ugu Saraysa Dalka Ee Heer Federaal Iyo Heer Dawlad Goboleed.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Abdullahi Mohamed Osman I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply