Galmudug Oo Ka Hadashay Mowqifkooda Xeerka Saxaafada Ee lasoo bandhigay

Wasiirka Warfaafinta Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Shire Falagle ayaa soo dhaweeyay xeerka Saxaafadda ee shalay lagu soo bandhigtay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

Wasiirka  oo lahadlay warbaahinta  Qaranka ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan xeerka saxaafada ee dhawaan madaxweynuhu uu ansaxiyay,isla markaana loo soo bandhigay bahda Saxaafadda,wuxuuna intaa ku daray in xeerkani uu yahay mid muhiim u ah warbaahinta iyo wariyeyaasha Soomaliyeed .

Axmed Shire Falagle .waxa uu caddeeyay in Galmugud ahaan  aysan wax dhib ah u arkin dhaqangalinta xeerka Saxaafadda,wuxuuna tilmaamay in loo baahanyahy xeer  ay ku wada-shaqeyn karaan qeybaha warbaahinta madaxa bannaan iyo dowlada

Shalay ayay aheyd markii Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya lagu soo bandhigay Xeerka Saxaafadda Soomaaliya,

Xigasho-SONNA

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Abdullahi Mohamed Osman I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply