Ganacsato Ku Hanti Beelay Dab Saaka ka kacay Xarumo Ganacsi Degmada Yaaqshiid

Dab Khasaaro Hantiyeed Geystay ayaa Saaka ka kacay Dhisme Xarumo kala duwan Ganacsi ahaa oo ku yaalla Xaafada Suuqa Xoolaha Ee Magaalada Muqdisho.

Dukaamo,Harqaan Dharka lagu tolo iyo Carwooyin ayey ka koobnaayeen Dabka Dhismaha uu qabsaday.

Ilaa hadda lama sheegin waxa dabka uu ka bilowday,islamarkaana la sheegay in hanti badan ay ku bas beeshay,waloow Cadad ahaan aan la heynin.

Markii dambe ayaa lagu guuleystay Dabka,iyadoo dadka Xarumaha gubtay kusugnaa ay sheegeen in ay ku ceyrtoobeen dabkaasi.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply