Garoon Diyaaradeed Saaka Loo Xiray Folkaano Qaraxday Awgeed

Garoonka Diyaaradaha Caalamiga Ee Dalka Indonesia kula yaalla Deegaan Jaziiradeedka Java ayaa lasoo sheegayaa in si kumeel gaar ah maanta oo Talaado ah loo xiray kadib Folkaano qarax sameysay Saaka Gelinkii hore.

11 Kiilmo mitir ayey gaartay Dhirir ahaan Dhinaca Cirka,waxaana Maamulka Halkaasi ka jira ay baqdin awgeed saameynta Folkaanada loo xiray Garoonka Diyaaradaha.

Saacada Dalka Indonesia markii ay aheyd 7:10 aroornimo ayaana la sheegay in la xiray Madaarka islamarkaana Garoonkani oo la yiraahdo Adi Sumarmo International Airport kuna Yaalla Magaalada Solo Gobolka Bartamaha Java.

Saraakiil katirsan Hay’ada Cilmiga Dhulka iyo Cimilada Hawada Dalka Indonesia waxay sheegeen in ay socdaan xakameynta Folkaanadaasi ayna dadka deegaanka ka agdhaw ay Baqdin soo wajahday.

Digniino la bixinayey ayaa jirtay Muddooyinkii dambe waxaana Hay’adaha Maareynta Musiibooyinka Dalkaasi Afhayeen u hadlay Agus Wibowo uu sheegay in ilaa hadda aan lasoo tebin khasaaro nafeed ama waxyeelo kale oo Folkaanadaasi ka dhalatay.

Folkaano qaraxday 2010 Wuqooyiga Magaalada Yogyakarta waxaa xilligaas ku dhintay 113 qof iyadoo Kun iyo Sideed Boqol ay ku dhaawacmeen.

Waxaa Soo Tarjumay: Xasan Xayi Cabdullaahi

Xigasho: bangkokpost.com

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply