Golaha Ammaanka Ee Q/Midoobay Oo Kulan Ka Yeelan Doona Xaaladda Somalia

Golaha Ammaanka Ee Q/Midoobay Oo Kulan Ka Yeelan Doona Xaaladda Somalia

Iyadoo ay Madaxtinimada bishan ee Golaha Ammaanka ee QM la wareegtay Hindiya ayaa waxa uu Goluhu yeelan doonaan Kulamo badan oo ku dhacaya Nidaamka Muuqaalka ee Video-conference (VTC) iyo Kulan Dood ah oo furan.

Golaha Ammaanka ee QM waxaa la filayaa inay Kulan bilaha kaga hadlaan Xaalladaha Siyaasadda iyo Samafalka Aadminimada, Hubka Kiimikada ee loo adeegsaday dagaalka ka socda dalka Syria, Cusbooneysiinta Ciiddanka Nabad-ilaalinta QM ka jooga dalka Lubnaan, Xiisadaha ka aloosan Yemen iyo Falastiin.

15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee QM waxay bishan August Kulan Khaas ah ka yeelan doonaan Arrimaha Somalia, iyagoo diirada saaraya Ajendayaasha kala ah Dib-u-cusbooneysiinta Xilli-hawleedka Ciiddanka Nabad-ilaalinta ee AMISOM iyo  Hawlgalka Xafiiska QM ee Taageeradda Somalia ee (UNSOM).

Bishii March 13-dii ee sanadkan, waxay Golaha Ammaanka ee QM ansixiyeen Qaraar Tirsigiisu ahaa 2568 (2021), iyadoo Hawlgalka AMISOM loo sameeyey xilli-kordhin ku ekaan doonta bisha December 31-da ee sanadkan 2021-ka.

Kulanka Golaha Ammaanka ee QM bishan ka yeelan doonaan Arrimaha Somalia waxaa lagu dhegeysan doonaa Warbixin ay QM iyo La-hawl-galayaasha Caalamiga ka diyaarinayaan Arrimaha Hawlgalka AMISOM.

Dhinaca kale, Jadwal-hawleedka Kulamada Golaha Ammaanka ee QM ee bishan August waxaa ka mid ah Kulan Heer Sare oo looga doodayo Ammaanka Baddaha, iyadoo uu Ra’isul-Wasaaraha dalka Hindiya, Narendra Modi guddoomin doono Shirkaasi.

Sidoo kale, Hindiya waxay qorshaynaysaa Kulan Heer Wasiir oo Furan, kaasi oo looga doodayo Teknoolajiyada iyo Nabad-ilaalinta, iyadoo uu Wasiirkooda Arrimaha Dibedda, Subrahmanyam Jaishanka Shir-guddoomin doona Kulankaasi.

Goluhu waxay sii wadi doonaan inay la socdaan Dhacdooyinkii u dambeeyey ee Xaalladda Gobalka Tigrayga ee Ethiopia iyo Arrimaha dalalka Haiti iyo Myanmar.

Leave a Reply