Golaha midowga musharaxiinta iyo xildhibaanada labada aqal ee mucaaradka oo kulan Dag gah Eh yeeshay.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa haatan waxaa uu kulan deg deg ah uga socdaa Hotelka Jasiira ee Magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa kasoo baxaya warar kala duwan, waxaana wararka la helay ay sheegayaan inay ka arinsanayaan arrin soo korortay oo ah qorsho uu Ra’iisul Wasaare Rooble doonayo in uu horkeeno Kulanka Beri ee Golaha Shacabka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa berrito Xildhibaanada ka hor jeedin doona khudbad uu uga hadli doono waxqabadka 100-kii maalmood ee Xukuumadda iyo Warbixin kale oo ku aadan xaaladda dalka.

Wararka kasoo baxa kulanka halkaan ayaan idinka soo gudbin doonaa.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Abdullahi Mohamed Osman I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply