Golaha Shacabka oo Maanta ka soo hor jeestay in uu hortago RW Rooble.

Hadal jeedin la filayay in maanta uu Golaha Shacabka Soomaaliya ka jeediyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa baaqaday kaddib markii xildhibaannada ay ka cudur daarteen inuu hor imaado Ra’iisul Wasaaraha.

Ujeedka ayaa ahaa  in Ra’iisul Wasaare Rooble uu baarlamaanka ka jeediyo khudbad uu uga warbixinayo boqolkii maalmood ee ay xukuumaddiisa jirtay.

Balse Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa shaaciyay waqtiga uu Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka hortegayo Xildhibaanada Baarlamaanka


Guddoomiye Mursal oo ka hadlaayay kulan ay yeesheen Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa uu sheegay in Ra’iisul Wasaare Rooble uu Xildhibaanada hortegayo 10-ka bishaan Febraayo oo ku beegan maalinta  Arbcada ah.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Abdullahi Mohamed Osman I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply