Gudi Dhanka Arimaha Doorashada Qaranka Ka Shaqeenaya Oo La Magacaabay

Gudoonka labada Aqal Ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay maanta magacaabeen Gudiga Soo diyaarinaya xeerka dhameystiraya sharciga doorashooyinka Qaranka.

Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaana waxay go’aan ku gaareen in 17 Xildhibaan oo Labada Aqal ka kooban islamarkaana ay Hal Dumar ah ku jirto ay Gudigaas noqdaan.

Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah Golaha Shacabka ayaa ku jira iyo Senetaro laga xusi karo Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan.

20-kii Bishi Hore Ee Febraayo ayaa waxa Madaxweyne Farmaajo waxa uu saxiixay Sharciga Doorashooyinka Qaranka,xilli ay jiraan sida la sheegay Saluug ay qabaan Maamul Gobolleedyada Dalka iyo Saamileyda kale Ee Dalka oo ay Xisbiyada hogaankooda ku jiraan.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Abdullahi Mohamed Osman I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply