Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Oo Kormeeray….

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr. Maxamed Nuur Gacal iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo ay ka mid yihiin Wasiiro, Xildhibaano Iyo maamulka Gobolka Mudug ayaa kormeer ku sameeyey isbitaalka degaanka Gawaan ee Gobolka Mudug.

Gudoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa safar dhulka ah uga soo amba baxay magaalada Hobyo oo ay shalay uu kaga qeyb galeen dhagax dhigga isbitaalka Hooyada iyo Dhalaanka Degmadaasi oo Marwada koowaad ee dalka Seynab Macallin iyo Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ay si wadajir ah u dhagax dhigeen.

Socdaalkaan ayaa noqanaya kii u horeeyay ee gudoomiyaha baarlamaanka Galmudug ku yimaada Magaalada Galkacyo, kadib markii shalay uu gaaray Dagmada hobyo halkaas oo isaga iyo marwada koowaad ee madaxweynaha dalka ay markii u horeysay ka dhagax dhigeen dhismaha isbitaal si lacag la’aan ah uga faa’ideeysan doonaa marka la hirgaliyo bulshada ku nool dagmada hobyo oo mudooyinkii u danbeeyay walaac Ka muujinayay baahiyada dhanka adeegyada caafimaadka oo ku liita.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply