Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Oo Xilka La Wareegay

Munaasabad Kooban oo xil wareejin ah ayaa ka dhacdey Xaruunta Baarlamanka koonfur Galbeed halkaasi oo Xilka Gudoomiyaha loogu wareejinaayey Gudoomiyaha Cusub ee Baarlamanka koonfur Galbeed Dr. Ali siciid Fiqi waxana ku wareejiyey Gudoomiyihii hore ee Baarlamanka ahna Wasiiiru Dowlaha wasaradda Ganacsiga Dowladda Soomaaliya Mudane Abdikadir Shariif Sheekhuna Maye ,

Waxana Munaasabadda Xil wareejinta Goob-joog ka ahaa labada gudoomiye kuxigeen ee Baarlamanka koonfur galbeed iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka .

Waxaa ugu horeen Munaasabada ka hadlay Gudoomiyihii hore ee Baarlamanka KGS Ahna wasiiru Dowlaha Ganacsiga Dowladda Soomaaliya Abdikadir Shariif Sheekhuna Maye isagoona ka sheekeyay waxyabihii u qabsoomey Baarlamanka KG,wuxuna ilahay uga bariyay in uu xilka la garab galo Guddoonka Cusub ee Baarlamanka .

Dr Ali siciid Fiqi Gudoomiyaha Baarlamanka labaad ee Koonfur Galbeed ayaa ka mahad celiyay sida wanagaasan ee xilka Loogu wareejiyey wuxuna sheegey in mar walba Abdikadir u baahan yahay waaya aragnamadiisa iyo Aqoontiisa uusan ka maarmin.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply