Guusha Soomaaliya Ee Deyn Cafinta & Heshiis Kale Oo La Saxiixay

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle  iyo Madaxweyne ku xigeenka Bangiga horumarinta Afrika Khaled Sherif ayaa kala saxiixday Heshiisika cafinta deymaha Bangigu ku leeyahay Soomaaliya

Heshiiskaan oo ka dhacay magaalada Abidjan ee dalka Ivory Coast waxaa uu daba joogaaa go’aankii guddiga sare ee maamulka Bangigu ay gaareen 26kii bishii la soo dhaafay ee February waxaa Soomaaliya looga cafinayaa 122.55 milyan oo doolar.

Wasiir Beyle ayaa sheegay in ay tahay maalin kale oo taariikhi ah,islamarkaana shacabka Soomaaliyeed ay ku faani karaan Heshiiskan.

“Tilaabo kasta oo guul ah oo aan gaarnay waxaan uga mahadcelinayaa Madaxweynaha, R/Wasaaraha, ummadda Soomaaliyeed iyo saaxibada Caalamka ee na garab istaagay,” ayuu yiri Wasiir Beyle.

Wuxuu hadalkiisa intaas raaciyay in dadaalka Dowladda Soomaaliya uu sii soconayo inta dalkeennu isku filnaasho ka gaarayo.

Soomaaliya waxay sameysay horumar la taaban karo oo ku aadan xaqiijinta siyaasadda dhanka amniga iyo ajendaha horumarinta dhaqaalaha, in kasta oo ay jiri karaan caqabado. Heshiiskan wuxuu sahli doonaa Bankiga inuu ka caawiyo dhisida awooda hey’adaha iyo horumarinta xirfadaha hagaajinta maamul wanaaga dalka.

XIGASHO-WAKAALADA QARANKA SOOMAALIYEED EE SONNA

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Abdullahi Mohamed Osman I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply