Hogaamiyaha Mucaaradka Ruushka Oo La Sumeeyey,Deg degna Loogu Qaaday…

Hogaamiyaha Mucaaradka Dalka Ruushka Alexei Navalny ayaa ka degay Dalka Jarmalka kadib Xaalad Caafimaad oo soo wajahday.

Warar ayaa sheegaya in saaka oo sabti aheyd uu utegay Caasimada Berlin Hogaamiye Alexei Navalny Xaalad in la sumeeyey ah oo baaritaan lagu sameyn doono.

Afhayeen u hadlay Hogaamiyaha Mucaaradka Ruushka Kira Yarmysh  ayaa sidaas kusoo daabacay Bogga Twitter-ka.

Navalny ayaa Khamiistii kasoo duulay Magaalada Tomsk sagoo gaaray Magaalada Moscow Caasimada Ruushka waxaana kadib uu usii gudbay Saaka Dalka Jarmalka.

Waxaa la sugayaa Natiijada Baaritaanka Caafimaad ay sameyn doonaan Dhakhaatiirta,iyadoo Sun raashin loogu daray loo maleenayo,warar kale ayaa sheegaya in shaah uu cabayey sunta loogu dhex qariyey.

Waxaa Soo Tarjumay: Xasan Xayi Cabdullaahi

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Abdullahi Mohamed Osman I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply