HOWLGALLO KA DHAN AH AL SHABAB OO LAGA SAMEEYAY GOBOLKA BAAY…..

Ciidamada Militiraga Soomaaliya iyo kuwa daraawiishta Maamulka Koonfur Galbeed Ayaa Howlgallo Amniga lagu Xaqiijinaayo waxa ay ka sameeyeen tuulooyin hoostaga degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.

Howlgallada ayaa waxa deegaano hoosta degmada Diinsoor looga xoreenaayay al shabaab oo horey ugu sugnaa,kuwaas oo go’doon giliyay degmada diinsoor Ee Gobolka Baaay.

Saraakiisha hogaamineysay Howlgalka ayaa waxa ay sheegeen in ay howlgallada ay kula wareegeen deegaanada kala ah Bandhuub iyo Biilane oo ay ku sugnaayeen Al shabaab.

Gudoomiyaha degmada Diinsoor Cabdi salaan Xaaji Siidoow ayaa ugu baaqay dadka shacab ka ay usoo safraayo degmadaasi in ay hubkooda hore isoo qaataan,ka dib markii dhowr jeer oo horey al shabaab dad shacab oo usoonsafraayo degmada Diinsoor ay dileen.

Cabdi salaan  Xaaji Siidoow Gudoomiyaha degmada Diinsoor Oo Hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu sheegay in al shabaab ay culeys weyn ay Soo saareen dagmada,iyadoo ay soo dhowdahay Bisha barakeysan ay Ramadaan.

Si kastaba al shabaab ayaa dhowr jeer oo horey waxa ay dadka shacab ah oo u safraayay degmada waxa ay ku dileen duleedka degmadaasi,iyagoo go’doon Giliyay Degmadaasi.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Abdullahi Mohamed Osman I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply