Howlgalo Ciidamada Dawlada Ka Wadaan Deegaanadii Al Shabaab Lagala Wareegay

Ciidamada xoogga  dalka Soomaaliya ayaa  howlgallo ballaaran ka sameeyeen deegaano hoostaga magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeeladda Hosse.

Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa fuliyey ciidamada sida gaarka u tababar ee Danab iyo kuwa Gorgor oo maalmo ka hor gaaray deegaanada Jilib Marko iyo Gandershe oo ka wadda tirsan Shabeeladda Hoose.

Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalladaasi ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen tiro dad ah oo u badan dhalinyaro, kuwaas oo lala xiriirinayo Al-Shabaab.

Gobolka Sh/ Hoose oo  ay weli ku dhuumaaleeysanayaan haraadiga Al-Shabaab ayaa waxaa ka socda dhaq dhaqaaqyo milatari  oo ciidanka xoogga dalka ay ka wadaan gobolkaasi.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply