Iiraan Oo Xabsiga kasii deysay Maanta 70 Kun Maxaabiis Ahaa Corono Virus Awgeed

Dawlada Iiraan ayaa kudhawaad 70 Kun Maxaabiis ah kasii deysay Xabsiga kadib markii Cudurka Corono Virus-ka uu ku faafay Dalkaasi.

Agaasimaha Cadaalada Dalka Iiraan Ibraahim Ra’iisi ayaa sheegay maanta oo isniin aheyd lasii daayey maxaabiistaasi intaas la eg sida ay baahisey Majalada Mizan oo laga leeyahay Iiraan.

Ra’iisi waxa uu hoosta ka xariiqay in 70-ka Kun Ee Maxaabiista ahaa loo sii daayey markii Cudurka Corono Cabsi laga qaaday.

Maxaabiista qaar ayaa la sheegay in Xabsiga lagu sii celin doono,taas oo damiin ilaa wakhti dambe ah ku maqnaaday.

Waxaa Soo Jeedinaya: Xasan Xayi Cabdullaahi

Xigasho: https://www.indiatoday.in/

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply