Iskaashi Amni oo ay Yeesheen Maamulka Koonfur Galbeed & DDS .

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed iyo Kuwa Nabad galyada Dowlad deegaanka Soomaalida ayaa kulan ku yeeshay Magaalada jigjiga ee Xarunta DDS.

Masuuliyintan ayaa kulankan kaga wada hadlayay iskaashiga Deegaanka Soomaalida iyo Dowlad Goboleedka koonfur galbeed sidii loosii xoojin lahaa, loogana wada shaqayn lahaa arimaha Nabad galyada, isu socodka bulshada, iyo inay labada Maamul si dhow uga wada shaqeeyaan danaha labada shacab gaar ahaan xuduudaha ay wadaagaan labada bulsho.

kulankan ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ahaa Maamulka gobolka Afdheer ee Dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya iyo Degmooyinka xuduuda la leh koonfur Galbeed.

Wafdiga ka socda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa waxaa horkacaya Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud & dib u dhiska iyo Guryaynta Soomaaliya Axmed Sheekh Maxamed wuxuuna sheegay in la isku afgartay in si dhow looga wada shaqeeyo arrimaha Ammaanka & isdhexgalka labada bulsho.

Masuuliyiinta katirsan Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed  oo Muddo 4 maalmood ah ku sugan Deegaanka Soomaalida ayaa weli kulamo kala duwan ka wada Magaalada Jigjiga ee Dowlad Deeganka Soomaalida Itoobiya.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Abdullahi Mohamed Osman I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply