Iskuulaadkii & Jaamacadihii Dalka Lubnaan Oo Albaabada Loo Laabay

Wasaarada Waxbarashada Dalka Lubnaan ayaa shalay Jimcihii ku dhawaaqday in la xirayo Iskuulaadka Dalkaasi ilaa 8 Bisha Soo socota oo Axada ku beegan Todobaadka Dambe.

Si looga baaqsado Cabsi laga qabo Cudurka Corono Virus-ka ayey Wasaaradu sheegtay in 10 cisho la joojiyey Waxbarashadii Dalkaasi ardaydana la war geliyey inay guryahooda iska joogaan ilaa 8 Bisha Maarso.

Warbixin lagu daabacay Majalada CGTN ayaa lagu sheegay in Afar Kiis dad qaba oo qaarkood udhasheen Dalka Suuriya ay hadda yaallaan Cusbitaalka Beyruut Ee Caasimada Dalka Lubnaan lana karantiilayo.

Warsaxaafadeedka Wasaarada Waxbarashada Dalka Lubnaan ayaa lagu yiri “Si loo hubiyo Caafimaadka Ardayda,loogana hortego in dad hor leh qaadaan Caabuqaan waxaa lala wadaagay Waalidiinta Ardaydainay ciyaalka Ku hayaan guryahooda,Wasiirka lagu magacaabo Daariq Masjuub ayaa sidaas sheegay waana Wasiirka Waxbarashada Dalka Lubnaan.

Iskuulaadka keliya lama xirin xitaa Jaamacadaha ayaa ka mid ah kuwa Albaabada loo laabay ilaa 8 Maarso laga gaarayo.

Seddexdii Qof ee laga helay Cudurka ayaa loo maleenayaa inay Gaari kasoo raaceen Dalka Iiraan kuwaas oo Dalka Lubnaan soo galay islamarkaana Cabsi ayey ku abuurtay Dalkaasi dadyowga ku dhaqan.

Tan iyo markii Iiraan uu saameeyey Caabuqani waxay bariga dhexe gelisey Jawi kale iyadoo Iiraan xitaa Gabadha Madaxweyne kuxigeenka ah uu haleelay Cudurkani.

Waxaa Soo Tarjumay: Xasan Xayi Cabdullaahi

Xigasho: news.cgtn.com

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply