Jubbaland Oo Iska Diiday Shirka Deyn Cafinta Soomaaliya Ee Ka Furmaya…

Dawlad Gobolleedka Jubbaland ayaa waxay ka hadashay Ka qeyb galka shirka looga hadlayo Deyn dhaafka Soomaaliya.

Waxay sheegeen War kasoo baxay Wasaarada Maaliyada Jubbaland inay hakiyeen ka qeyb galka shirka ay Wasaarada Maaliyada Soomaaliya soo agaasimtay taas oo loo sababeeyey duulaanka Dawlada Dhexe kusoo qaaday Jubbaland deegaano ka mid ah.

Wasiirka Maaliyada Jubbaland C/rashiid Jirre Qalinle ayaa sheegay in Xanibaada joogtada noqotay Ee Dawlada Federaalka ku heyso Jubbaland awgeed aysan Shirka Baydhabo ka dhacaya Ee Xukuumada Soomaaliya soo qaban qaabisey ka qeyb geli doonin.

Maamulka Jubbaland waxay sheegeen in ay rajo ka qabeen inuu soo hagaago Xiriirka iyaga iyo Dawlada Balse uu dib ka xumaaday sida ay warka udhigeen.

Shirka Baydhabo ayaa dhacay isbuuca dambe 11 Bisha Maarso 2020 oo Arbacada Soo socota ku beegan,iyadoo Dawlada Dhexe iyo Dawlad Gobolleedyada isku Arki doonaan Wasaaradahooda Maaliyada,arimaha Deyn Cafintana looga hadli doono.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Abdullahi Mohamed Osman I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply