Jubbaland Oo War Cusub Kasoo Saartay Dagaalka Kismaayo

Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa ka hadashay dagaal beeleedyo maalmihii lasoo ka dhacayay deegaano ku yaalla duleedka Magaalada Kismaayo, kuwaasi oo geystay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyadda Jubbaland ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Axmed Maxamed Islamaan Axmed Madoobe wax laga xumaayo uu ku tilmaamay in xiligaan la joojo 2020 uu dagaal dhexmaro beelo walaalo ah.

Qoraalka Jubbaland ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Axmed Madoobe uu tacsi u dirayo dadkii ku geeriyooday dagaalkii dhexmaray Maleeshiyo beeleedka ee ka dhacay duleedka Kismaayo.

Sidoo kale Maamulka Jubbaland ayaa digniin u diray dadka sii hurinaya dagaalka, kuwaasi oo ay sheegeen inay danno siyaasadeed u adeegsanayaan dhiigga dadka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii Qoraalka kasoo baxay Jubbaland ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Axmed Madoobe uu laamaha dhaamaha amniga Jubbaland ku amray inay gacan bir ah ku qabtaan cid kasta oo ku lug leh dagaalkii duleedka Kismaayo ee Jebisa xabad joojinta lagu dhawaaqay.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Jubbaland.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply