KA SOCDO DEEGAANKA DHOOBLEEY OO MADAXWEYNE AXMED MADOOBE KUSUGAN YAHAY

Dawlad Gobolleedka Jubbaland ayaa waxay sheegtay inay ka go’an tahay Xoreynta Deegaanada weli gacantooda ka maqan.

Kulan ka dhacay Deegaanka Dhoobleey oo ay iskugu yimaadeen Saraakiisha Ciidamada Jubbaland iyo kuwa Kenya ayaa la isku raacay in la laba jibaaro dagaalka lala galayo Al Shabaab.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo Xalay ku hoyday Dhoobleey ayaa si gaar ah ula kulmay Saraakiisha Ciidanka Daraawiishta Jubbaland uuna ku baraarujiyey adkeynta Amniga iyo Dagaalka Argagaxisada lala galayo sida uu warka u dhigay.

Sidoo kale waxaa jiri doona Kulamo kale uu la qaadanayo Bulshada Qeybaheeda kala duwan iyo Maamulka Deegaankaasi.

Dhawaan waxaa jirtay Dhoolatus ciidan oo Jubbaland kusoo bandhigtay Halkaasi iyadoo hadda ay isku diyaarinayaan duulaan ay ku uyihiin dhinaca Bu’aale oo Al shabaab ay 10 Sano ka ariminayaan.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Abdullahi Mohamed Osman I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply