Kulan Xildhibaanada Golaha Shacabka Hadda Uga Socda Muqdisho

Waxaa goor_dhow furmay kulanka koowaad kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kulanka waxaa shir guddoominaya guddoomiyaha golaha shacabka mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

156 xildhibaan ayaa goobjoog ka ah kulanka.

Ajendaha kulanka aya ah qodobada soo socda.

1. Akhrinta 1-aad hindisaha dib u eegista iyo kabista sharciga Xisbiyada Siyaasadda dalka.

2. Soo bandhigista ansixinta xubin cusub ee guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka Marwo Sacdiya Yuusuf Shuuriye.

3. Qeybinta Akhrinta 2-aad labada hindise sharciyeed ee kala ah.

A. Hidise sharciyeedka Qareenada Soomaaliyeed.

B. Hindise sharciyeedka Nootaayada Dadweynaha.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Abdullahi Mohamed Osman I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply