Kulankii Qoor qoor & Macalin Maxamuud Maxaa Kasoo Baxay?

Kulan aan si faah faahsan loo ogeyn waxa lagu heshiiyey ayaa madaxtooyada Galmudug Ee Dhuuso mareeb waxa Habeenimadii Xalay ku yeeshay Madaxweyne Axmed Qoor qoor iyo Hogaamiyaha Ahlusuna Maxamuud Sheekh Xasan Faarax.

Dad ka ag dhawaa kulankaasi waxay sheegeen in laga hadlay Tanaasulkii Ahlusuna ay sameysay oo Madaxda Galmudug ay ku amaaneen.

Axmed Cabdi Qoor qoor ayaa Macalinka iyo Hogaanka Ahlusuna ku tilmaamay tiir aan jabin oo reer galmudug weligood xasuusnaan doonaan halgankii ay Xoreynta deegaanka kasoo qeyb qaateen.

Macalin Maxamuud ayaa la sheegay in ka ahlusuna ahaan ay diyaar unoqdeen inay Ayidaan oo ay la safteen lana shaqeyn doonaan talo iyo tigaad wixii ay hayaana ay Madaxda Galmudug ku biirin doonaan.

Warar hoose ayaa sheegaya in laga hadlay in Madaxda Ahlusuna Loo soo qaado Magaalada Muqdisho oo ay Dawlada Soomaaliya Dalbatay inkastoo la sugayo warsaxaafadeed kulankaasi lagu faah faahin doono in lasoo saaro.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Abdullahi Mohamed Osman I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply