Kutlad Badbaado Qaran Oo Muqdisho loga dhawaqay .

Xildhibaano gaaraye ku dhow 100 xildhibaan oo ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta kulan ku yeeshay Hotelka Jasiira ee Magaalada Muqdisho ayaa ku dhawaqay Kutlad Badbaado Qaran.

waxeyna sheegeen in Ra’iisul Wasaare Rooble damacsan yahay in berri baarlamaanka weydiisto muddo kordhin.

Kulanka kadib Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo kamid ah Golaha Shacabka ayaa faah faahin ka bixiyay War-murtiyeed kasoo baxay kulankoodii ay yeesheen Xildhibaanada oo ku aadan xaaladda dalka.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa waxaa uu shaaciyay in Xildhibaanadii Maanta kulanka yeeshay ay ku dhawaaqeen kutlada badbaadinta Qaranka, si dalka looga badbaadiyo inuu ka dhaco firaaq Dastuuri ah, waxaana Midowgooda uu ka kooban yahay 11-xubnood.

Xildhibaanka ayaa xusay in xildhibaanadaan ay ka shaqeyn doonaan in dalka aysan ka dhicin wax muddo kororsi ah ayna gaari doonaan go’aamo lagu badbaadinaayo dalka.


About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Abdullahi Mohamed Osman I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply