Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Ali Dahir Eid oo ay wehliyaan Masuuliyiin kale ayaa booqday jiidda hore ee uu ka socdo dagaal looga sifaynayo Alshabaab deegaanada ay ka joogaan Galmudug.
Kusimaha Madaxweynaha iyo wafdigiisa oo kulan kooban la qaatey Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Gen. Odawaa Yuusuf Raage iyo Saraakiisha kale ee Ciidamada ayaa ku wareejiyay sahay isugu jirta Timir, Buskut, biyo iyo Caano, waxana Madaxweynaha u balanqaaday Ciidamada in aysan kala joogsan doonin taageerada.
Wasiirka Warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle Oo Socdaalkan Ka Warbixiyay Waxa Uu Sheegay In Uu Bilow Uyahay Howlgalo Lagula Dagaalamayo Alshabaab Oo Laga Bilaabayo Deganada Mamulkasi.
Maalmihii Laso Dhaafay Ayaa Laso Warinayay In Xubno Ka Tirsan Alshabaab Ay Gudaha Uso Galeen Deeganada Galmudug Waxana Tan Iyo Markaasi Socday Halgalo Lagu Dagaalamayo Alshabaab.