Maamulka Puntland Oo Ciidamo Fara Badan Geeyay Dagmad Badhan.

Ciidamo ka tirsan Daraawiishta Maamulka Puntland, oo maalmo ka hor gaaray degmada Badhan, ayaa si rasmiya loogu wareejiyay Amniga degmadaas.


Booliiska Magaalada Badhan ayaa Shaqada laga fariisiyay, waxaana Ciidanka Daraawiishta lagu amray in ay hawlgal xooggan ka bilaaban gudaha magaalada, si loo xaqiijiyo Amniga oo muddooyinkii u dambeeyay habacsanaan laga dareemay.


Ciidanka waxa sidoo kale lagu amray in ay magaalada ka nadiifiyaan astaamaha maamulka Somaliland, islamarkaana ay xabsiga dhigaan, haddii cid ka tirsan Somaliland isku dayo in ay soo gasho gudaha degmada Badhan.


Sidoo kale, waxa Ciidanka la faray in ay si adag ula dagaallaman dadka ka ganacsada maandooriyaha, gaar ahaanna Khamriga kuwaas oo mudooyinkii dambe ku soo badanayay magaalada Badhan.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Abdullahi Mohamed Osman I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply