MAAMULKA SOOMAALILAND OO GUBAY JAAD LAGA KEENAY DALKA ITOOBIYA…

Ciidamada Booliiska Gobolka Maroodi-jeex ayaa howlgal waxa ay kusoo qabteen jaad laga keenay dalka itoobiya,kaas horey horey looga mamnuucay in lasoo galiyo Deegaanada maamulkaasi.

Guddiga ka hortaga cudurka Coronavirus ee Muumulka Soomaaliland iyo Taliska Booliska Gobolka Maroodi-Jeex ayaa Maanta Waxa meel Fagaaro ah ku gubeen jaad Si sharci daro ah loo soo geliyay,200 oo kiilo oo jaad ah iyo 100 marduuf ayaana mana lagu gubay.

Saraakiisha Ciidamada ayaa waxa ay ugu digeen Ganacsatada Sida qarsoodiga Jaadka u soo galinaayo deegaanada Soomaalind,waxa ayna sheekeen In aysan  ogolaan doonin in jaad lasoo galiyo deegaanada Maamulkaasi.

Jaadkani maanta La gubay ayaa waxaa laga soo qabtay shalay deegaanka Bakigubadle,Guddiga ka hortaga cudurka Covid 19 ee Soomaalind ayaa Horey ugu mamnuucay In Qaad lasoo galiyo deeganada Maamulkaasi.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply