Madaxda Ahlusuna Oo War Culus Kasoo Saaray Dagaalkii Dhuuso mareeb

Madaxda Ahlusna Waljamaaca ayaa waxay sheegeen inay Awood u isticmaashay Dawlada Todobaadkii hore Dagaalkii lagu kala baxay Ee ka dhacay Dhuuso mareeb.

Wararka waxay sheegayaan in Ahlusuna ay mar kale dib boorka iskaga jafeyso ayna dooneyso inay awoodoodii dib usoo ceshato.

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax Oo maanta diyaarad qaas ah ka qaaday Garowe ayey geysay Magaalada Nairobi Caasimada Kenya.

Waxa uu soo saaray Sheekh Shaakir markii ay Nairobi tegeen Warqad uu kaga hadlay dagaalkii Xarunta Inji ka dhacay,isagoo Eedeyn kala dul dhacay Dawlada Soomaaliya.

Warqada waxaa lagu sheegay in Ra’iisal Wasaare kheyre uu Amray qofkii galo Xarunta Inji la dilo si markaas dhiiga Culimada loo baneysto,isagoo sheegay in Xasuuqii Ahlusuna ay Farxad gelisey Al Shabaab oo munaasabado Dabaal deg ah qabsaday.

Sheekh Shaakir ayaa hoosta ka xariiqay inay Turkiga iyo Mareykanka Ciidamo ay si gaar ah utababareen ka qeyb galeen Dagaalkii ka dhacay Dhuuso mareeb,ayna Hubkii Argagaxisada loogu talo galay iyaga lagu tijaabiyey.

Madaxda Ahlusuna waxay Beesha Caalamka ka codsadeen inay indhaha ka fiirsan Dhibaatada iyo Xad gudubka indho la’aanta ah ee Dawlada Soomaaliya ka wado Qeybo badan oo katirsan Dalka.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply