Madaxweynaha Mamulka Hirshabeelle Oo garay Magaalada Dhuusamareeb……

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe xuseen iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug .

Madaxweyne Guudlaawe iyo wafdigiisa ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Madaxweynaha mamulka Galmudug Ahmed Abdi kaariye Qoorqoor, ku-xigeenkiisa iyo xubno kale, waxaana Madaxweynaha safarka ku wehlinayay Xildhibaano iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Maamulkaas.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa Magaalada Dhuusamareeb waxaa uu uga qeyb-galo doonaa Shirka wadatashiga Madaxda Dowladda iyo Dowlad Goboleedyada.

Cabdi Casiis Xasan Maxamed laftagareen oo ah Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed  ayaa kasii horeeyay Madaxweynaha Hir-Shabeelle, waxaana sidoo kale la filayaa  in halkaasi ay garaan madaxda Heer fadaraan iyo Heer dowlada goboleed.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply