Madaxweynaha Senegal Oo Is Karantiilay Kadib Covid 19 Oo…

Madaxweynaha Dalka Senegal Macky Sall ayaa waxa lasoo sheegayaa in la karantiilay kadib markii uu la kulmay dad qaba Caabuqa Corono.

Madaxweyne Sall ayaa Isbuucii lasoo dhaafay waxa la sheegay in uu dad cudurka laga helay la kulmay iyadoo ugu dambeyn uu is karantiilay.

58 sano jirkaan ayaa waxa baaritaan la mariyey waxa laga waayey Caabuqa balse dhakhaatiirtiisa gaarka ah ayaa kula taliyey inuu karantiil galo.

Warsaxaafadeed maanta oo khamiis ah Madaxtooyada Dakar ayaa Twitterka ku soo daabacay jiritaanka in madaxweynaha uu karantiil ku jiro.

Dalka Senegal ayaa waxa uu dhacaa Galbeeda Qaarada Africa,dadka Cudurka Covid 19 laga helay ayaa tiradooda gaareysaa 6,129 Qof iyadoo dhimashada 93 Qof ay gaartay.

Waxaa Soo Tarjumay: Xasan Xayi Cabdullaahi

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Abdullahi Mohamed Osman I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply