MADAXWEYNE DANI OO XIL KA QAADAY TALIYE KU XIGEENKA CIIDANKA BOOLISKA PUNTLAND….

Madaxweynaha Dowlad Goboleydah Puntland Saciid cabdullahi Dani Ayaa maanta Xil ka Qaadis Ku sameeyay Taliye Ku Xigeenka Ciidamada Booliiska Puntland.

Dagareetadaan Kasoo baxday Madaxweyne Dani Ayaa waxaa Lagu Sheegay In dib u habeyn lagu sameenaayo taliska Booliska ciidamada Puntland.

Qoraalka ayaa sidaan ahaa:

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 40 ee 27da April, 2020, ku soosaaray Xil-ka-qaadis uu ku sameeyay Taliye ku xigeenada Ciidanka Booliska Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad.

Markuu garowsadey: In dib-u-habeyn lagu sameeyo Taliska Guud ee Ciidanka Booliska Puntland.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa xil-ka-qaadis lagu sameeyey S/Guuto Bile Faarax Cali Taliye ku xigeenka 1aad ee Ciidanka Booliska Dowladda Puntland.

2. Waxaa xil-ka-qaadis lagu sameeyey G/Sare Axmed Maxamuud Cali (Jeenitaag) Taliye ku xigeenka 3aad ee Ciidanka Booliska Dowladda Puntland.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Abdullahi Mohamed Osman I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply