Madaxweyne Deni oo la kulmay siyaasiyiinta iyo wax garadka bulshada ee Deegaanada Maamulkaasi.

Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kulan xog wareysi iyo wadatashi isugu jira oo ku saabsan xaaladda Dalka marayo la yeeshay qeybaha kala duwan ee Masuuliyiinta, Siyaasiyiinta, Aqoonyahannada , Waxgaradka iyo Ururada Bulshada ee Puntland.

Kulanka oo uu dalbaday Madaxweyne Deni ayaa waxaa looga hadlay xaalada Siyaasadeed ee dalka gaar ahaan Arrimaha doorashooyinka dalka oo aan weli hehsiis laga gaarain.

Kulanka ayaa labada dhinac waxaa ay uga tashanayeen shirka uu Madaxweynaha Puntland uga qeyb-galayo magaalada Dhuusamareeb, kaas oo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka dalka.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa la filayaa in saacadaha soo socda uu u safro Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, halkaas oo ay kulan isugu imaanayaan Madaxda Dowladda & dowlad Goboleedyada, iyada oo looga arrinsanaya xal ka gaarista khilaafka hareeyey doorashooyinka dalka.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply