Madaxweyne Farmaajo Oo baajiyey Safarkiisii 16 Bishaan Ku aadi Lahaa Nairobi

Sida Qorshaha uu ahaa waxaa la filayey in Shir uu ka dhaco Magaalada Nairobi oo ay yeelan lahaayeen Dawladaha Soomaaliya iyo Kenya islamarkaana Wafdi ka socda Dawlada itoobiya ay goob joog noqon lahaayeen.

Daminta xiisada ka dhex aloosan Waddamadaan ayaana la sheegay in shirkaas uu daaranaa balse dib ayaa loo dhigay Arimo farsamo awgeed.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaarada Khaarajiga Kenya ayaa lagu sheegay in dib laga soo gudbin doono Ballan kale oo ku aadan Qabashada Shirkaan Baaqday.

Si faah faahsan looma sheegin waxa keenay in dib loo dhigo Shirkaas,balse waxaa loo maleenayaa Caabuqa Corono oo laga helay Qofkii ugu horeeyey Kenya ay dawlada ku mashquushay xakameynta Cudurkaasi Dalkeeda soo galay.

Ma jirto war kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya iyo Safaarada Nairobi ku taalla oo looga hadlayo arintaan baajinta Shirkii Isniinta Isbuucaan la filayey inuu Nairobi ku dhexmaro Madaxweyne Kenyatta iyo Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply